Goldogob oo laga wareejiyey Kastamka Puntland iyo Dawlad deeganka Ethopia.
Madaxweynaha Dowlada Puntland C.wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka wareejiyey goobtii horrey loogu qorsheeyey in la mariyo Kastam ay wadaagi doonaan Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia iyo Puntland, taas oo ahayd Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.
Ilo madax banaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegey in Madaxweyne Gaas uu u weeciyey Kastamkaas oo lagu rajo weyn yahay in dhawaan la furo deegaanka Daaru-salaam oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Xukuumadii horre ee uu hogaaminayay Dr Faroole ayaa qorsheysay in la mariyo Kastamka Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia ay la wadaagayaan Puntland Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug, walow wax laga bedelay arrintaas ka dib markii wada hadalo dhex mareen Madaxweyne Gaas iyo Dowlada Itoobiya.
Qaar ka mid ah dadka u dhashay Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug ayaa arrintan si weyn uga carooday, kuwaas oo sheegey inay ka xun yihiin Isbedelka uu ku sameeyey qorshahaas Madaxweynaha Dowlada Puntland C.wali Maxamed Cali (Gaas).
Khamiistii lasoo dhaafey ayaa kulankii Gollaha Wasiirada Puntland ku yeesheen magaalo madaxda Garowe waxa lagu go,aamiyey in si deg deg leh loo furo Kastamka ka dhexeyn doono Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo Puntland, Islamarkaana loo magacaabay Guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeyn doona Arrintaas.